Madaxwayne Xasan Sheekh & Safarkiisa Xarardheere ee Mudug

Muqdisho (Raxanreeb ) Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in uu gaaro degmada Xarardheere ee gobolka Mudug halkaas oo dhawaan laga saaray kooxda Al- Shabaab.

Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa inta uu ku sugan yahay degmada xarardheere waxa uu la kulmi doono saraakiisha ciidan ee hoggaaminayay howlgalka lagula wareegay degmada Xarardheere.

Degmada Xarardheere ee gobolka  Mudug waxaa ka soconaya qaban-qaabada soo dhawaynta Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud waxaana ciidamo hor leh ladhigay waddooyinka degmada ka baxa iyo kuwa soo – gala.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa safarkan Xarardheere uga duwan socdaaladii uu hore ugu tagay degmooyinkii laga xoreeyay Shabaab, maadaama ay tahay deegaanka uu ka soo jeedo.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hore u tegay deegaano laga saaray kooxda Shabaab, isaga oo dhiira-gelinaya ciidamada dagaalka kula jira Al- Shabaab, oo sanado badan dhibaato ku haysay bulshada Soomaaliyeed.

Leave a Reply

Your email address will not be published.