Muqdisho (Raxanreeb ) Dhawr madaafiic ah ayaa maanta oo Talaad ah lagu garaacay meelo ku dhaw dhaw Madaxtooyada Soomaaliya oo ku taala degmada Warta Nabadda ee magaalada Muqdisho.
Dadka ku nool hareeraha Villa Soomaaliya ayaa sheegay in hoobiyaasha qaar ay ku dhacayeen xaafadaha ka ag dhaw Villa Soomaaliya.
Jugta dhawaqa Hoobiyaashan ayaa maanta laga maqalayay qaar –ka mid ah degmooyinka magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.
Ilaa iyo hadda lama sheegin wax khasaaraha oo ka dhashay hoobiyaashan maanta lagu gaaracay Villa Soomaaliya.
Marar badan ayaa sidan oo kale waxa weerar hoobiyaal ah lagu soo qaaday Madaxtooyada Qaranka oo ku taala degmada Warta Nabadda ee magaalada Muqdisho.
Leave a Reply