Muqdisho (Raxanreeb ) Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax maanta oo Talaada ah ka dhacay isgoyska siinaay ee magaalada Muqdisho,
Goobjoogayaal ayaa sheegay inuu qarxay gaari yaallay wadada hareeraheeda, kaas oo la sheegay inuu lahaa sarkaal ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Inta la xaqiijiyay gaariga qarxay ayaa sababay dhimashada hal qof oo ahaa wadihi gaariga, waxaana sidoo kale qasaaro uu soogaaray dhismayaal ka agdhawaa goobta uu qaraxa ka dhacay.
Saraakiisha Dowladda Soomaaliya Weli kama aysan hadlin qarax ka dhacay isgooyska Siinaayee magaalada Muqdisho.
Qaraxan ayaa yimid iyadoo magaalada Muqdisho ay ka socdaan howlgal ujeedkiisu uu yahay sugidda amiga caasimadda oo ay ka dhacayaan qaraxyo kala duwan.
Leave a Reply