Maalintii 2aad oo magaalada Muqdisho uu ka soconayo Shirka Culuma’udiinka

Muqdisho (Raxanreeb ) Magaalada  Muqdisho waxa maalintii labad galay shirka Culumaa’udiinka Soomaaliyeed , kaas oo shalay ka furmay  isla magaalada Muqdisho.

Shirkan oo si rasmi ah u daahfuray Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in gaba gabadiisa ay ka soo baxaan qodobo xal u ah xaalada dalka ka jirta si gaar ah fakarka xagjirka ah.

Waxa uu ka socon doonaa shirka magaalada Muqdisho  sida la qorsheeyay 23ka illaa 26ka Janaayo 2023 si looga soosaaro fatwo iyo warmurtiyeed muujinaya natiijada kulankaan kusoo dhammaado.

Culimada ka qaybgaleysa shirka ayaa sheegay in lagu soo beegay waqti loo baahan yahay in diiradda la saaro arrimo dhowr ah sida ‘kooxda Al- Shabaab  , Dhismaha Guddi ay ku mideysan yihiin culimada & qodobo kale.

Leave a Reply

Your email address will not be published.