Dagaal  salka ku  haya  maamulka oo ka dhacay Ceebarde gobolka Bakool

Dagaal  salka ku  haya  maamulka oo ka dhacay Ceebarde gobolka Bakool

Baydhabo (Raxanreeb ) Ciidamo ka wada tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa maanta  dagaal uu ku dhaxmaray degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool.

Dagaalkan ayaa salka ku haya is qab qabsi xaga maamulka ah sida ay sheegeen dadka deegaanka oo aan la hadalnay.

Ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka ka dhacay maanta degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqlayeen dhawaqa  hubka culus ee la isku adeegsanayo kuwaas oo qaarkood ku dhacayay meelo fog fog .

Xaalada deegaanka wali waxaa ka taagan xaalad hubinti la’ aan ah mana jirto wax war ah oo maamulka deegaanka uu ka soo baxay.

Maamulihii la soo dhaafay waxaa  degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool ka taagnaa khilaaf ka dhashay dhismaha Golaha deegaanka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.