WARCUSUB:  Xiisadda siyaasada Gedo oo  cirka isku shareertay

WARCUSUB:  Xiisadda siyaasada Gedo oo  cirka isku shareertay

Muqdisho (Raxanreeb ) Xasarad xaga siyaasadda ah ayaa ka taagan degmooyinka gobolka Gedo oo ay isku hayaan maamulka Ahmed Madoobe iyo masuuliyiinta ,  iyo dadka deegaanka Gedo.

Xasarada  ayaa xoogaystay markii la sheegay in  rasaas lagu furay guri magaalada Garbahaaray uu ka degan yahay  ugaas  beesha Sade  halkaas oo ka mid ah magaalooyinka laga diiday maamulka  ay riixayso Dowladda Xasan Sheekh .

Dadka deeganada gobolka Gedo ayaa  sheegay in marnaba deegaanadooda imaan karin maamul aan iyaga raalli ka ahayn   isla markaana aysan ogolaan doonin maamul  uu riixayo Axmed Madoobe.

Magaalooyinka Muqdisho iyo Gedo waxaa ka soconaya kulamo  looga hadlayo siyaasadda  gobolka  si  loo helo maamul dadka ay wada ogol yihiin oo ka hanaqaadi kara gobolka Gedo.

Goor sii horeysay diyaarad siday Gudoomiye uu  Gedo u magaacabay Axmed Madoobe ayaa laga celiyay hawada ka hor inta aysan gaarin magaalada Garbahaaray halkaas oo ay isugu soo baxeen dad  diidan maamulka cusub .

Dowladda Soomaaliya ayaa la sheega in ay doonayso in dadka ku nool  gobolka Gedo ay u gacan qabato maamulka Ahmed Madoobe oo in mudda ah laga diidaanaa gobolka Gedo.

Madaxweyne ku xigeenka Jubbland ayaa xog cusub ka sheegay sababta ay u noqotay diyaaraddii siday gudoomiyihii gobolka ay usoo magcaabeen, isaga oo sababta ku sheegay cillad dhinaca xiriirka ah oo qabsatay diyaaradda.

Leave a Reply

Your email address will not be published.