59 qof oo tahriibayaal ah oo ku qaraqmay badda Griiga

59 qof oo tahriibayaal ah oo ku qaraqmay badda Griiga

Athens (Raxanreeb) — Ugu yaraan 59 qof oo tahriibayaal ah ayaa ku qaraqmay badda, in ka badan 100 kalena waa la soo badbaadiyay, kadib markii doonni kuwa kalluumeeysiga ah oo ay la socdeen aykula degtay xeebaha koonfurta Giriiga.

Doonta degtay waa tii ugu dhimashada badnayd ee ka dhacda dalka Giriiga sanadkan.

Ma cadda inta qof ee saarneyd doonta markii ay ku degtay meel 80km koonfur-galbeed kaga beegan magaalada Pylos.Laakin mas’uuliyiinta Giriiga iyo hay’adda socdaalka adduunka ee IOM ayaa sheegay in boqollaal qof ay saarnaayeen doontaas.

Ilaalada xeebaha Giriiga ayaa sheegay in doonta ay ku aragtay biyaha caalamiga ah goor dambe oo Talaadadii ah diyaarad ay leedahay hay’adda xuduudaha Midowga Yurub ee Frontex.

Ilaalada xeebaha ayaa sheegay in rakaabku “ay diideen wax gargaar ah” mana jirin qof saarna doonta oo xirnaa jaakadaha badbaadada.Balse saacado yar ka dib, doonnida ayaa degtay, taasoo keentay in la sameeyo baadigoob iyo samatabbixin iyadoo ay dabeylo xooggani xaaladda ugasii dareen.

Doonta ayaa la sheegay inay ka timid dalka Liibiya, waxayna ku sii jeeday dalka Talyaaniga, iyadoo inta badan dadkii la socday doonnida lagu sheegay rag da’doodu tahay 20-sano.