Dastuurka : Dhammaystir miyaa mise beddelaad  ?

Dastuurka : Dhammaystir miyaa mise beddelaad  ?

Muqdisho (Raxanreeb )- Doodda  ku saasban wax ka bedelka Dastuurk KMG ah ayaa wali ka taagan magaalada Muqdisho , waxaana diiday  in la furo Dastuurka madax  hore siyaasiin iyo xitaa mudanayaal ka tirsan Golaha shacabka.

Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu eedeyay inuu doonayo inuu waqtigan bedel  Dastuurka ee uusan damacsanayn inuu wax ka bedelo.

Xildhibaan C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ka tirsan golaha shacabka Soomaaliya ayaa dooda wax ka bedelka iyo dhameystirka dastuurka ee ka socota baarlamanka ku tilmaamay ciyaar garsooraha iyo ciyaartoyga ay hal qof isku yihiin, taasoo uu sheegay in la sii ogyahay natiijadeeda.

War uu ku daabaca degeliiskiisa Facebook ayuu Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxa uu ku yiri.

‘’Seddax cutub oo Dastuurka ayaa la saarayaa, halka 45 qodob iyo 97 faqradood wax laga beddelayo, iyadoo lagu soo derayo 19 qodob iyo 94 faqradood oo cusub oo aan ku jirin Dastuurkii asalka ahaa, waxaana la tirayaa 3 qodob iyo 26 faqradood.

Dhammaystir miyaa mise beddelaad ?

Kalfadhi kasta ee Baarlamaan wuxuu ku guntamaa kooram 139 xildhinaan Golaha Shacabka ah, 28 Aqalka sare, haddii ay isku imaanayaan labada aqal waxaa laga rabaa 167. Doodaha dastuurka ee socda labo fadhi oo keli ah ayaa kooram loo helay, ka dibna waxaa la yiri kooram looma baahna ee hore ha loo socdo ‘’

Si kastaba Villa Somalia  ayaa riixaysa sidii wax loogu bedeli lahaa Dastuurk  KMG ah ee dalka taas oo la sheegayo in ay ka dhalan karto dhibaato ay adkaan doonto in xal laga gaaro.

Leave a Reply

Your email address will not be published.