Muqdisho (Raxanreeb online) – Wasiirka arrimaha dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Amb: Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in ay jiraan mas’uuliyiin iyo siyaasiyiin dowlado shisheeye lacago laaluush ah uga soo qaataan in ay magac dilaan dalka.
Wasiir Axmed Fiqi ayaana ku hanjabay in ay tallaabo adag ka qaadi doonaan mas’uuliyiinta dalalka shisheeye lacagaha kasoo qaatay, kuwaa uu sheegay in ay garanayaan, haddii ay ka tanaasuli waayaan waddadaas qaldan oo ay ku socdaan.
”Dalkan, waxaan oganahay rag mas’uuliyiin ah oo lacag lagu soo siiyay oo dowlado kale ay lacag soo siiyeen oo aan haynaa xaqiiqdood, magac dil sameeyaan biilna ku qaata, waan oganahay dadkaas, weyna is ogyihiin, dadkaas in ay daka soo hor istaagaan ma ahayn oo waliba Soomaali in ay wax u sheegaan,” ayuu yiri Wasiirka.
Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa tilmaamay in maalin maalmaha ka mid ah kashifi doonaan mas’uuliyiintaas haddii ay ka joogi waayaan arrimaha gurracan ee magac dilka ku ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
”Waa kashifeynaa maalinkeeeda haddii ay xishoon waayaan oo ka joogi waayaan bannaanka ayaa la soo dhigayaa, mucaarad waa ahaan jirnay waxna waa sheegi jirnay, haddii ay wax wanaagsan sameysanaha waa taageeri jirnay,”. ayuu yiri Axmed Fiqi.
Ugu dambeyn, Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Fiqi, ayaa sheegay in ay muhiim tahay in mucaaradka siyaasadda u kala socnaadaan waxyaabaha xukunka lagu kala ridanayo iyo dalka sumcad dilkiisa.
Leave a Reply