(Somaaliya Mar Kale DHiig Waa Loogu Wan Qali!!)
Nin cabsanaya muxuu xil u raadsadaa?! Dhallin-yaro qalbi waayeel leh sow dalkeedii ma gabin!
Waxyaabaha dhaqan xummada ugu badan ay ka imaanayso waxaa ugu daran inuusan shacabka kaalintiisa qaadanayn oo uusan haba yaraatee wax mas’uuliyad ah iska saareyn siduu u ilaashan lahaa waxyaabaha qiimaha leh ama ay ku dhowrsantahay ummada sida anshaxa, ka dhiidhinta iyo diidista xumaanta ay arkayaan. Mararka qaarkood waxaa loo qaadan karaa dad-weynaha waxaa ka maqan taba-bar la xiriir dagaalku inuusan ahayn oo keliya in laysu gacan qaado, waxayna u egtahay inaysan wax culeys ah ku heyn in qofka uusan dhaqan garaneyn ee shisheeyaha uu si sahlan ugu milmo dadka iyadoo uu wax kasta oo lid ku ah dhaqanka iyo diinta uusan ilaalineyn, ama uu si bareer ah wax lid ku ah ugu sameynayo. Waxaa kaloo habacsanaanta shacabka ka mid ah in Itoobiyaanka ama dadka ugu badan ee hadda soo talaabay ee Orommada ah uusan innaba ha yaraatee wax dareen dhiilo ah ka qabin, inuusan marna is weyddiinba maxaa Itoobiyaan dalkeyga keenay?! Waxaa kaloo arrin cad ah in dadka shacabka intooda badan ay khalad ka fahmeen soo dhoweynta martida!…Dhaqan aad u khaldan! Dhaqan aad u khaldan oo khatar geliyay dhismihii iyo samayskii mujtamaca, kaasoo albaabbada u furay in dhallintii soo barbaareysay ay bartaan isticmaalka mukhaadaraadka iyo cabbitaanka khamriga.
Orommadaas xummaan kasta oo ay fidiso iyo dhibaato kasta oo sameyso dad badan oo u doodaya ayaa yiraahda; Waa qaxooti… Waa dad gaajeysan oo nolol doon ah…Waa dad dhibaato ka soo cararay! Waxaa yaab leh waxa shacabka intaas keliya fahamsiiyay! Waa Yaab! Weedhahaas naftooda ayaa ah kuwo qayb ka ah dacaayadaha ay daba-dhilifyada, iyo jawaasiista la shaqeeya sir-doonka Itoobiya ay ku celceliyaan oo maalin kasta shacabka dhegahooda lagu shubo ilaa ay rumeysteen, oo ay gaareen heer aysan hadda wax kale rumeysneyn. Dhallin-yaradii ay ahayd inay wax ogaadaan, inay fekeraan, inay maskaxda tuujiyaan oo ay fahmaan waxa hareerahooda ah, waxaa ambiyay oo marin habaabiyay siyaasi khaa’inul-wadhan ah oo maalin kasta ku haya “Walaalaheen Itoobiya!” Waxaa intaas oo dhan ka xanuun badan war-baahin kii 15 jir ku bilaabay uu 50jir ku gaaray, oo aan lahayn wax barnaamij ah oo u deggan, wax aragti ah, waayo aragnimana aysan u kordhin oo sidii shimbirtii Bagbagaa’a (Parrot) ku celceliya waxa uu ka maqlay khaa’inul wadhan mas’uuliyad sheeganaya “Dalalka aan walaalaha nahay ee deriska ah!”.
Waa sax, Itoobiyaanka qorshe iyo ujeeddo bay ku socdaan waxaana maan-gaabka Abiy Axmed ka dhaadhacsan inaan laga foojigneyn, dhagartii ay markii horaba xukuummadii isaga ka horeysay EPRDF (Ethiopian People’s Revolutionary Democratic Front) qorsheysay ee ahayd inay Maamul Goboleeddada dalka oo dhan ay ka furato xafiisyo ay markaas ku sheegeysay inay yihiin xafiisyo ka caawinaya dadka Soomaaliyeed adeegyada ay Itoobiya uga baahanyihiin, sida Dal-Ku-Galka (Visas) Caafimaadka, ganacsiga, iyo wax-barashada! Hasa yeeshee ay ujeeddada runta ah ee ka dambeysa ay ahayd in maamul goboleed kasta ay hoos geeyaan wakiil ay iyaga u soo magacowdeen. Nimaan yaab arag baa yaab ka sheekeeya! Waxaa shaki la’aan ah haba yaraatee Soomaaliya inaysan Itoobiya waxba ugu baahneyn, sababtuna waxay tahay Itoobiya iyadaa u baahan inta ay Soomaaliya u baahantahay iyo ka badanba, marka ujeeddada xafiisyadaas waxay ahayd in maamulka dalka oo dhan ay qayb ka ahaadaan ilaa ugu dambeynta ay gaaraan ujeeddadooda ay ka dambeyso cadaawadda guunka ah. Waxaa isagana barnaamijkaas ay EPRDF-ta bilowday, horay u sii waday oo markii uu xukunka Itoobiya qabtay isagoon seddex bilood dhameysan, booqasho uu Muqdisho ku yimid 2018kii kaga dhawaaqay wax uu heshiis ku sheegay oo aan dadka Soomaaliyeed waxba laga weyddiin, kaasoo uu ku sheegay in is-dhex-gal/isku-darsan (integration) labada dad ee Itoobiya iyo Soomaaliya uu dhex marayo! Iyo in la guddoonsiiyay 4 dekadood!… Taasi waxay ahayd khayaannadii ugu weyneyd ee aan la qarin, waxayna ahayd khayaano Qaran oo ay galeen kuna astaysnaan doonta magaca madax-weynihii hore Max’ed Cabdullaahi Farmaajo, Af-Hayeenkii golaha shacabka Maxamed Mursal SHiikh Cabdi-Raxmaan iyo dhammaan xil-dhibaannadii barlamankii 10aad sida ay u dhanyihiin.
Waxaa gobollada ay soo galeen dadka Itoobiyaanka ay xaqiiqda taagantahay inay magaalooyin badan dadkii ku noolaa iyagii kaga tiro bateen, bishii Luulyo ee sanakan 2023ka ee la soo dhaafay waxaa isbitaalka guud ee magaallada Garowe ee caasimadda Puntland maalin keliya ku umulay 20 naagood oo ka mid ah dadkaas Itoobiyaanka ee lagu soo yaaciyay dalka, waxaana jira cadeymo kale oo sheegaya inay 5tii maalinba 1-2 naagood oo dadkaas ka mid ah ay isbitaalka keenaan ilmo nafaqo-daro ama cuduro kale la il daran. Arrintan ayaa waxay culeys weyn ku soo kordhisay adeeggii isbitaalka ee ilmaha iyo hooyada markii horaba taagta darnaa. Meelaha qaarkood waxaa is abaabulay dhallin-yaro arday u badan oo si geesinimo leh uga soo saaray markii uu walaac xagga amniga ah uu ka dhashay hab dhaqanka ay ku joogaan, laakiin tallaabadaas ma noqon mid wax ku ool ah, sababtoo ah mar kasta oo magaalo laga saaro waxay isku urursanayaan magaallada ku xigta, waxaana meesha ka maqan nidaam maamul oo gacan ka geysta in dadkaas dib loogu celiyo dalkoodii. Waxyaabaha xil-kasnimo darrada ah ee inta badan heysta magaalooyinka ay Itoobiyaanka/Orommada ku fatahmeen waxaa ugu weyn maamulka magaalooyinkaas oo aan aqoon siduu wax uga qaban lahaa isla markaasna aad moodo inuu ka cabsanyo inuu u sheego inay dalkoodii ku noqdaan!… Nin cabsanaya oo xil raadsaday!… bal adigu malee, ma xil iyo cabsi baa meel wada gala!…
Waxaan wali xasuusnahay, mar aan booqday magaallada Boosaaso 1995kii, waliba waqtigaas Itoobiyaanka joogay dalka aad bay uga yaraayeen umana dhoweyn tiro ahaan dadkaan diigaanyada ee hadda derbi kasta iyo albaab kasta taagan, baa waxaan soo maray meel ay safanyihiin sanaadiiqda waaweyn (containers)ee lagu soo raro badeecadaha maraakiibtu soo qaado oo aad u tiro badan, waxaana la ii sheegay sanaadiiqdaas inay yihiin shaneemooyin ciyaaraha habeenkii lagu daawado, oo dhammaantood ay leeyihiin Itoobiyaanka isla markaasna ay hoygoodii tahay. Nimankii warka ii sheegay ayaan weydiiyay inay waligood galeen shaneemooyinkaas, waxay ii sheegeen in caruurta oo keliya ay galaan, iyo in waliba qiimo waqtigaas dadka qaali ku ahaa lagu galo!…waxaa ku qasbay inay habeenkaas aniga ii wheel yeelaan oo ila galaan….Maxaan u tagnay?!…Waa marka hore konteynar walba caruurtii baa ka badatay, meel cagta la dhigana kama bannaana, ilmuhu dhammaantood waa dugsileey, marka ay soo dhameystaan casharkooda waxay toos u soo aadaan sanaadiiqdaas shineemmada lagu sheegay!…midkii u horeeyay baan madaxa gelinay waa ka cararnay, kii ku xigay, Ka Dar Oo Dibi DHal!… mid kale… mid kale..markaan ogaanay in dhammaantood waxa lagu daawanayo ay yihiin aflaam qaawani ah, gudbinaya dhaqamo dilay anshaxa mujtamaca, gudbinaya farriimo diineed, baan ugu yeernay ciidammada booliiska, waxaa arrin xanuun badan ahayd in dhammaan ilmihii aan ka soo qabanay shineemooyinkaas ay da’dooda aad u yareyd oo midka ugu da’da weynaa wuxuu jiray 13sano, waxaana taas ka sii yaab badnaa inaysan ilmahaas marna u sheegin waalidkood waxyaabha dhaqan xummada ah ee ay arkeen!
La Soco Beri
Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan
Leave a Reply