Banaanbax loo diiday in ay dhigtaan Beesha JAREERWAYNE

Banaanbax loo diiday in ay dhigtaan Beesha JAREERWAYNE

Muqdisho (Raxanreeb ) Maanta oo Axad ah waxaa lagu waday in magaalada Muqdisho ay ka dhacaan dibadbaxyo waawayn oo ujeedkoodu ahaa in lagu dalbado sii daynta Generaal Sheegow oo u xiran Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Abaabulka banaanbaxan oo ay lahayd Qowmiyada Jareerwayne ayaa waxa is hor istaag ku sameeyay maanta Taliska ciidanka Booliska Soomaaliya oo kor horena ka digay in la dhigo dibadbaxyo.

Muqdisho waxaa waddooyinka waa weyn saaka la soo dhoobay ciidamo ka tirsan kuwa Booliska, si ay hortegaan dibad-baxa Beesha Jareerweyne,waxaana  la  diiday  isu  socodka meelo ka mid ah caasimadda.

Xubno ka tirsan abaabulayaasha dibad oo aan la hadalnay ayaa innoo xaqiijiyeen inay baajiyeen banaanbaxooda, ayna u joojiyeen sababo amni dartood.

Dhanka kale, waxaa sidoo kale laga hortegay dibad-bax kan lamid ah oo ka dhici lahaa magaalada Jowhar, kadib markii ay howlgal sameeyeen Booliska HirShabelle.

Leave a Reply

Your email address will not be published.