Haaman Cusub ayaa ku soo caariyay Xeebaha Aagga Degmada Cadale.

Haaman Cusub ayaa ku soo caariyay Xeebaha Aagga Degmada Cadale.

Muqdisho (Raxanreeb ) Ma ahan Markii ugu Horeysay ee Haman khatartooda leh ay ku soo caariyaan Xeebaha Dalka. Horaantii 90aadkii ayaan hore ugu arakay Haaman oo aan sawir ka soo qaaday waxaan u gudbiyay UNEP Xafiiskeeda Nairobi oo aan ka codsaday in naloo xaqiijiyo dhibaato haddii ay leeyihiin.
Haddii aad xasuusato, Anigaaba la igu tilmaamay Qof waalan. Kadib waxaan u gudbiyay Xaaladda Caafimaad ee Dad dhibaato ka soo gaartay Haamankaa.

Kadib ayaa UNEP Khubaro u soo dirtay waxa ayna cadeeyeen In ay dhibaato leeyihiin Haamanku, kadibna Hayad Jarmal ah DBG ayaa Xeebta ku aastay Haamankii si ku meel gaar ah si Dadka looga badbaadiyo.

Cagtaan ka waalanahee, waxaan tagay Yurub waxaan tagay Xeebtii Talyaaniga oo ka mid ah meelihii Haamabkaa qaarkood  laga soo Rari jiray, wadama kalena waa jiraan. Waxaa la igu yiri: marka waad waalatay, arimaha Nuucaan ah Annagaa Dad Reer yurub ah oo wariyaal ah isaga Dilnay  markeey isku dayeen in ay arimahaan wax ka qoraan.

Si deg deg ah ayaa Magaaladii la iiga soo tarxiilay. Kadibna Wadanka oo dhan, waxaa la ii soo diray Dubai iyada oo Safaaradii Talyaaniga ee Dubai la amaray in ay si wanaagsan  ii soo dhaweeyso ayna Hubiso in aan u gudbay Somaliya, waxaa la ii diiday in aan la hadlo wariyayaal Ingriis ah oo iigu yimid Hotelkii aan Dubai ka deganaa. ugu dambeeyn waxaa la iga soo dejiyay Airport-kii Cisileey.

Ogow Haamaha Badankooda waxaa lagu aasay Birigga iyo Badda Horaantii 1980aadkii

Haamankaan Cusub bal halaga wardoono. Hadda waxaan leenahay wasaarad arimahaani ay toos u khuseeyaan. Waxaa dhici karto in Haamahaan cusubi ay khatar leeyihiin ama in ayna leheyn.

Qore: Yahya Amir

Leave a Reply

Your email address will not be published.