Ganacsiga Muqdisho oo loo xiray gabadha Osmael Geelle oo dukaan ka adeeganaysay

Ganacsiga Muqdisho oo loo xiray gabadha Osmael Geelle oo dukaan ka adeeganaysay

Muqdisho (Muqdisho ) Waddooyinka magaalada Muqdisho waxaa loo xiray xalay gabar uu dhalay Madaxwaynaha Jabuuti Osmael Omar Geelle oo taas oo qabo Saadaq Joon.

Wadada Banaadir oo ah wado ay ku yaalan goobo ganacsi oo muhiim ah ayaa gabi ahaan loo diiday in dadka shacabka ah ay adeegsadaan saacado badan .

Arintan ayaa baraha bulshada qabsatay kuwaas oo siyaabo kala duwan uga falceliyay in shacabka loo diiday adeegsiga wadada isla markaana la xiro waddooyinka muhiimka ah.

Ciidanka Dowladda ayaa dadka shacabka ah u diiday inay u dhawadaan ,  halka ay ku sugan tahay gabadha uu dhalay Osmael Omar Geelle oo adeega ay ka doonatay taas oo la yaab ku noqotay dadka shacabka ah.

Xiliga la xiray wadooyin oo ah fiid hore ayaa sabab u noqday in saxmad badan ay ka dhalato arrintaan, maadaama ay xayirmeen dad badan oo hoyaad u ahaa guryahooda.

Leave a Reply

Your email address will not be published.