Shirka golaha wadatashiga qaran oo maanta lasoo gabagabeeyo

Muqdisho (Raxanreeb) — Shirka golaha wadatashiga qaran ee maalmihii lasoo dhaafay ka socday Muqdisho ayaa lagu waddaa in maanta lasoo gabagabeeyo.

Madaxda Dowl Federaalka Soomaaliya , Dowlad-Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Benaadir ayaa shirkan diiradda ku saarayay dardargelinta dagaalka dalka looga xoreynayo Argagixisada, dhammaystirka heshiiska Qaab-dhismeedka Amniga Qaranka, xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed iyo dib u heshiisiinta.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo madaxda ka dhageysanay warbixinno ku saabsan xaaladaha amni iyo abaaraha ka jira deegaannada dowlad-goboleedyada ayaa adkeeyay muhiimadda in la mideeyo dadaallada dalka lagu xoreynayo iyo gurmadka loo fidinayo shacabka kasoo barakacay Abaaraha iyo Argagixisada.

Shirkaan waxaa ka qeyb galayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, Ra’iisulwasaare ku xigeenka dalka Mudane Saalax Axmed Jaamac, Madaxweyneyaasha Dowlad-Goboleedyada, Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Koonfur-Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Puntland Mudane Saciid Cabdullahi Deni, Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen

Leave a Reply

Your email address will not be published.