Odowaa oo shir ku qabtay meel u dhaw deegaan muhiim u ah Al- Shabaab &..

Muqdisho ( Raxanreeb ) Taliyaha ciidanka xoogga dalka  ayaa kormeeray fariimaha ciidanka xoogga dalka ay ku leeyihiin degaanka xawaadley.

Geranaal Odowaa Yuusuf Raage ayaa kormeer shaqo ku Tegay deegaanoa xawaadlay ee gobolka shabeelaya dhexe oo dhawaan  laga xureeyey  maleyshiyaadka al.shababab.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ciinka xoogga dalka soomaliyeed ee ku sugan deeganka xawaadleey ku booriyey difaaca shacabka soomaliyeed  isla markaan saraakiisha iyo askarta kula dar-daarmay joogtayda howlgala ka dhanka kooxda al shabab.

deegaanka xawaadleey ayaa waxaa ku taalo buundo taas oo al.shabab iskaga kala gudbi jireen gobolada dhexe iyo gobolada koofureed.

Saraakiisha Dowladda Federaalka ayaa sheegtay in xoogga ay saari doonto sidii Al Shabaab ay meesha uga saari lahayd , taas oo keentay in Taliyayaasha ciidanka ay gaaraan goobaha ay ka socdaan howlgalada.

Leave a Reply

Your email address will not be published.