DF oo la wareegtay deegaanka Masaajid Cali guduud ee Sh. Dhexe.

DF oo la wareegtay deegaanka Masaajid Cali guduud ee Sh. Dhexe.

Balcad ( Raxanreeb ) Ciidanka dowlada Soomaaliya ayaa si buuxda Galabta ula wareegay deegaano iyo Tuulooyin hoostaga deegaanka Masaajid Cali guduud ee gobalka shebeelaha dhexe.

Ciidankaan oo ka kala baxay laba aag  ayaa Waxaa hogaaminaya Saraakil katirsan Miletariga Soomaaliya,Waxaana tuulooyinka ay la wareegeen kamida Faqayaalo, Burdacaar, Geelgub, Ceel jilib iyo Bagdaad.

Saraakisha hogaamineysa Ciidankaan ayaa kala ah Gen.Gacmodulle, Gen.Ibrahim Yusuf,  Gen.Tareedisho, Gen.Cabdullahi Macalin, Col.Xaadoole, Col.Qoondhe, Waziir Washitoom iyo saraakiil kale oo ka tirsan Ciidankii dhawaan gaaray degmada cadale.

Ciidamo u abaabulan qaab qabiil oo la magac baxay Macwiislay ayaa deegaano badan oo gobolada Shabeellaha Dhexe   ka wada howlgal ay ku doonayaan in ay ku sugaan amniga isla markaana ay ugu adkaadan kooxda Al Shabaab.

Inta uu socday howlgalka waxa ay kooxdan oo gacan ka helaya ciidanka Dowladda ay ku guulayteen in Al Shabaab ay kaga adkaadaan gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.