Q.M oo baaq u dirtay Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Kenya.

Raxanreeb (Nairobi ) Filippo Grandi oo siyaabo kala duwan ula kulmay madaxda Soomaaliya iyo Kenya ayaa sheegay in loo baahan yahay in la qaado tallaabooyin deg deg ah si loo yareeyo dadka tirada badan ee ku barakacaya abaaraha iyo colaadaha.

Madaxa Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga Filippo Grandi oo ka hadlayey shir jaraa’id uu ku qabtay magaakada Nairobi ayuu ugu baaqay Madaxweyneyaasha labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya inay si wadajir ah uga wada shaqeeeyaan caawinta dadka kasoo barakacay saameynta abaaraha.

Waxaa kale oo uu sheegayururada caalamiga ah in mar horeba ay ka digeen gaajada iyo macluusha.

Waxa uu sheegay Mr Grandi in dad ka badan hal milyan iyo bar qof qasab ku noqotay in ay isaga hayaamaan guryahooda oo kuyaalla dalalka Soomaaliya iyo Kenya, sababo la xariira abaaraha daran ee jira iyo roobkii oon u da’in sidii la filayay.

Dalalka Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxaa ka dhacay abaaro saameyn badan ku yeeshay dad iyo duunyo, waxaanma wali jirta cabsi laga qabo in ay kororto saameynta ka dhalatay abaarta labadasai dalka ku dhufatay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.