Ra’iisul wasaaraha Netherlands oo sheegay in uu siyaasada ka fariisanayo

Ra’iisul wasaaraha Netherlands oo sheegay in uu siyaasada ka fariisanayo

Amasyerdam (Raxanreeb) — Ra’iisul wasaarihii ugu waqtiga dheeraa Netherlands, Mark Rutte, ayaa ku dhawaaqay inuu ka tagayo siyaasadda.

Hogaamiyaha Holland, oo wajahaya in codka kalsoonida loo qaado baarlamaanka, ayaa sheegay inuu ka tagi doono doorashada dhaceysa ka dib bisha November.

Mr Rutte ayaa tan iyo sanadkii 2010-kii hogaaminayay afar dowladood oo isbaheysi ah, waxaana uu hadda hogaaminayaa maamul KMG ah kadib markii ay burburtay dowladdiisa wadaaga aheyd.

Dhammaan Golihiisa Wasiirada ayaa is casilay Jimcihii kadib markii ay ku heshiin waayeen siyaasadaha adag ee socdaalka.

Mr Rutte ayaa sheegay in kala duwanaanshaha ku saabsan tillaabooyinka lagu xaddidayo qulqulka magangalyo-doonka ay yihiin kuwo aan laga gudbi karin.