Jowhar (Raxanreeb) — Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta Magaalada Jowhar ee Caasimada Hirshabeelle ku qaabilay wafdi ay hoggaaminaysay Ku Xigeenka Madaxa Hay’adda Cunnada Adduunka WFP ee Soomaaliya Laura Turner.
Madaxweynaha oo kulankaan ay ku wehliyeen qaar kamid ah Golihiisa Wasiirada, Agaasimaha Madaxtooyada, Lataliyaha Madaxweynaha Yuusuf Cabdi Cabdulle Gudoomiye Ku Xigeenka Gobolka Shabeellaha Dhexe iyo Gudoomiyaha Degmada Jowhar ayaa looga hadlay dhibaatooyinka fatahaadaha uu wabiga shabeelle ka geysto deegaanada Hirshabeelle.
Sidoo kale kulanka ayaa diiradda waxaa lagu saaray sidii loo taageeri lahaa Beeraleyda si kor loogu qaado horumarinta wax-soosaarka beeraha, caawinta barakacayaasha, maalgelinta iskaashatooyinka beeraleyda, caqabadaha ka dhasha isbeddelka cimilada, Shaqo Abuur dhalinyarada iyo Kaalinta Hay’adda WFP ee horumarinta Magaalooyinka lagala wareegay Al-Shabaab.
Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay Hay’adda WFP garab istaagga ay siiyaan shacabka Hirshabeelle gaar ahaan ka jawaabista xaaladaha deg-dega ah isagoo ku adkeeyey xoojinta iyo sii wadista maalgashiga, horumarinta iyo wax soosaarka beeraha.