SHAKI ku gadaaman xil  ka tagistii Zubeyr & magaacabista Guutaale.

SHAKI ku gadaaman xil  ka tagistii Zubeyr & magaacabista Guutaale.

Muqdisho (Raxanreeb ) –Laba maalin ka hor xoghayihii joogtada ah ee xafiiska Ra’iisulwasaaraha ayaa sheegay inuu isaga tagay shaqadii uu ka hayay xafiiska mudadii uu xilka hayay Xamse Cabdi Bare.

Warka ku saabsan inuu xilka uu baneeyay Maxamed Zubeyr waxay durbadiiba keentay shaki badan oo ku saabsan waxa  keenay in waqtigan xasaasiga uu xilka baneeyo.

Waxba kama uusan taaban sababta ku kaliftay iyo guuxa jiray hase ahaatee waxa uu sheegay in sabab isaga u gaar ah isaga tagay xilka uu ka hayay xafiiska Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya.

Waxyar uun ka dib marka uu warqadaas shaaciyay Mr Subayr waxa baraha bulshada hambalyo horudhac ah loogu diray Kamaal Guutaalle oo hadda loo magacaabay xilka uu baneeyay Mr Subeyr.

Maxamed Subayr oo ka soo jeeda beelaha la hayb sooco ayaa la sheegaa in aan wax badan oo awood ah uusan ku lahayn markii  horeba xafiiska Ra’iisulwasaare Xamse Cabdi Bare.

Si kasta  isbedelka deg deg ah ee uu sameeyay Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya ayaa waxa dad badan ay ka qabaan shaki badan oo la xiriira in shaqsiyaad gaar ah lala doonayay xilalka qaar.

16-kii bishii 10aad 2022 waxaa soo baxay war ku saabsanaa in gacan qaad uu dhaxmaray Maxamed Subayr iyo La taliyaha Ra’iisulwasaraha Soomaaliya ee dhanka siyaasadda Axmed Nuur Uleex.

Leave a Reply

Your email address will not be published.