Muqdisho (Raxanreeb ) – Khilaafka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa jirsaday laba bil iyadoo aan jirin wax natiija ah oo laga gaaray is jiid jiidka siyaasadeed ee labada dhinac.
Dhanka Dowladda Soomaaliya wali ma aysan dalka ka saarin safiirka Itoobiya ee Soomaaliya iyo xitaa ciidanka Itoobiya ee howgalka ATMIS , waxayna dowladdu ay sheegtay in ay talabadaas ka fiirsan doonto.
Madaxwaynaha Dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisulwasaare Abiy Ahmed ayaa muddo seddax jeer ka badan waxay isku arkeen shirar kala duwan hase ahaatee ma aysan yeelan wax kulan ah.
Waxaa socda dadaalo lagu doonayo in lagu dhameeyo xiisada u dhaxeeya labada dhinac ee Soomaaliya iyo Itoobiya hase ahaatee wali waxaan lagu guulaysan in wax natiijta ah laga gaaro.
Madaxda dadaalada waday waxaa ka mid ah Madaxwaynaha Kenya William Ruto waxaana magaalada Nairobi ku kulmay Ra’iisulwasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed hase ahaatee wax natiija ah kama aysan soo bixin.
Kulankii dhexmaray madaxweynaha Kenya iyo Raysal wasaaraha Itoobiya ayaa lagasoo saaray warsaxaafadeed sheegay in ay tahay muhiim in la ixtiraamo madax-bannaanida dhuleed ee dalalka Afrika.
Dowladda Soomaaliya ayaa dhankeeda sheegtay in aysan jiri doonin wax wada- hadal ah oo ay la gasho Itoobiya ilaa raalli galin laga siiyo talabaadii ay kula macaamileen Somaliland.
Dhanka Turky Madaxwaynaha dalkaas Rejab Dayib Ordogan ayaa isku daygaas dhax dhaxaadin ah sameeyay si la mid ah ma aysan ka soo bixin wax natiija ah oo la taaban karo.
Waxaa bartiisa taagan khilaafka dalalka deriska ah ee Soomaaliya iyo Itoobiya waxaana muuqanaysa inaysan jirin wax horumar ah oo laga gaaray muranka oo gaaray meeshii ugu darnayd.
Leave a Reply