UK ”Abaaraha Soomaaliya ka jira waxaan ku bixin doonaa $50 million”

Muqdisho (Raxanreeb ) Dowladda UK ayaa sheegtay in ay xoojinayso dadaalada la xiriiri sidii loogu gurman lahaa kumanaanka qof ee dhibaatadu ay ku reebtay abaaraha ka jira meelo badan oo ka mid ah Sooaaliya.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee UK James Cleverly, qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka ayuu ku sheegay in dowladda UK ay sii xoojineyso taageerada ay siiso Soomaaliya gaar ahaan la dagaalanka Al Shabaab.

Sidoo kale Cleverly ayaa sheegay inay UK sanadkan bixineyso in ka badan £50m oo gargaar ah si dadka Soomaaliyeed ee aadka ugu baahan ay uga taageeraan cunto, biyo & daryeel caafimaad.

Hadalka Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee UK ayaa yimid ka dib kulan isaga iyo Madaxwaynaha Soomaaliya , ay wada qaateen kaas oo looga hadlay xaalada abaaraha iyo ammaanka Soomaalya.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee UK, ayaa wadahadalka ay yeesheen sidoo kale diirada lagu saaray xoojinta xiriirka ka dhaxeeya labada dal iyo sidii ay dhinacyo badan isaga kaashan lahaayeen.

Maalmo a hor ergayga abaaraha Soomaaliya Cabdiraxmaan ayaa sheegay in wax aad looga xumaado ay tahay in beesha caalamka oo UK ay qeyb ka tahay ay iska indha tireen ka jawaabidda abaaraha iyo macluusha ka jira dalalka saboolka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.