Kismaayo (Raxanreeb )- Warar kala duwan ayaa soo – baxaya dagaal ciidanka maamulka Jubbaland iyo kuwa Al- Shabaab ku dhaxmaray deegaanka Baarsanguuni ee duleedka Kismaayo.
Goobjoogayaal ku sugan magaalada Kisnaayo ayaa sheegay in weerarkan uu ahaa mid saacad ka badan halkaas ka soconayay isla markaana uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac.
Inta uu socday dagaalkan ayaa la sheegay inuu saamayn ku yeeshay dadka deegaankaas ku sugan ee Baarsanguuni ee duleedka magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose.
Saraakiisha Ciidamada Qaranka ayaa sheegay iney u suura gashay inay ka hor tagaan weerarka oo xogtiisa la sii hayey.
Saraakiisha Ciidanka xoogga dalka qaybta 43-aad iyo kuwa Jubbaland ayaa sheegay iney saacadaha soo socda faahfaahin buuxda ka bixin doonaan howlgalkan.
Leave a Reply