Nairobi (Raxanreeb) – Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa kulmaya Madaxwaynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxwaynihii hore dowladii KMG Shariif Sheekh Axmed.
Xasan Sheekh Maxamuud & Shariif ayaa ka wada- hadlaya sida wararka ay sheegayaan ka wada – hadlayaan arrimo ku saabsan wax ka bedelka Dastuurka KMG ah ee dalka.
‘’Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqasho rasmi ah ku tagay wadanka Kenya kadib Casuumad uu ka helay dhigiisa dalkaas ‘’ sidaas waxaa sheegay Afhayeenka Madaxtooyada C/raxmaan xudeyfi inkastoo markii dambe warka laga saaray bogaga warbaahinta Dowladda Soomaaliya.
Shirka magaalada Nairobi waxa dalbaday inuu ka dhacay Shariif Sheekh Axmed ka dib markii labada dhinac ay isku arkeen Makah ka dibna ay ku balameen in shir gaar ah ay ku yeeshaan Nairobi.
Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka dib waxa uu halkaas kula kulmi doonaa masuuliyiin kale oo xilal ka soo qabtay dalka kuwaaas oo dhaliilan hanaanka Dowladda.
Xasan Sheekh ayaa dadaal ku bixinaya sidii loo dhamayn lahaa khilaafka ka dhasay , wax ka bedelka Dastuurka Soomaaliya oo muran badan uu ka taagan yahay .
Leave a Reply