SJS ” Wasaaradda Warfaafinta eed aan jirin ayay u raadinaysaa Abdalle Mumin ”

Raxanreeb (Muqdisho ) Xarigga Sharci darrada ah ee loo geystay Abdalle Ahmed Mumin ayaa galay maalintiisii Afaraad. Xariggaas waxaa loo geystay ciidamo ka tirsan NISA oo xariggiisa ka hor tegay xafiiska ururka, iyadoo ujeedkooda ahaa in ay soo qabtaan.

Shalay subax ayaa hay’adda Nabadsugiddu ku soo wareejisay xarunta dembi baarista ee CID.
Maxaa ka cusub kiiskiisa:

Wasaaradda warfaafinta gaar ahaan wasiir ku xigeenka warfaafinta Abdirahman Al-cadaala ayaa kulan uu la qaatay xafiiska xeer ilaalinta guud ee Qaranka, farayna in Abdalle Mumin loo raadiyo eedo uu ku muteysan karo xukun, si dowladdu ay uga adkaato warbaahinta madaxa banaan, loona cabsi geliyo cid kasta oo u dhaqdhaaqda xorriyadda hadalka, saxaafadda iyo xuquuqda aadanaha, Taasoo direysa fariin cabsi gelin ah oo micnaheedu yahay ciddii hadasho waa ”Xarig”

Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) waxa uu cambaareynayaa falkaas sharci darrada ah ee lagu xiray Xoghayaha Guud ee Somali Journalists Syndicate – SJS, waxaan kaloo cambaareynaa falka wasaaraddu warfaafinta ay ku raadineyso eeddo been abuur ah.

Waayo Wasaaradda Warfaafinta waxa ay sheegtay in Xoghayaha Guud ee SJS in uusan wasaaradda u xirneyn, shalayna maxkamadda waxa ay sheegtay in wasaaradda uu u xiran yahay, loona heysto eedaha soo socda sida ay xaqiijiyeen Qareenadiisa:

  1. “In uu jebiyay xeer ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta”
  2. In uu faaifyay Muuqaal Sir oo loola jeeddo ciidamadii NISA ka tirsanaa ee weerarka ku qaaaday xafiiskeena oo ay qabatay CCTV camerada xafiiska ku xiran.

    Marka in Wasaaraddu marna dhahdo ma heysano, marna ay maxkamaddu caddeyso in uu xiran yahay, waxa ay muujineysaa ujeeddka gurracan ee wasaaraddu la damacsan tahay Abdalle Ahmed Mumin taasoo farriin cabsi gelin ah u direysa dhamaan bahda warbaahinta Soomaaliyeed.

    In Shaarka dowladda la isku dhibaateeyo cid laga aqbalaayo malahan, waxaana rajeyneynaa in caddaaladdu shaqeyso.

    Sidaasi darteed, waxaan ugu baaqeynaa madaxda ugu sareysa ee dalka inay arrinkaan soo geliyaan, waayo in eedo la soo dhoodhoobay xukun lagu raadinayo, iyadoo ujeeddadu tahay in la cabsi karo hogaamiyayaasha saxaafadda, ujeedka guudna yahay in la aamusiyo warbaahinta madaxa banaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.