Garoowe (Raxanreeb ) Howlgal joogta oo ay fuliyeen ciidanka amniga Puntland ayaa la sheegayaa in ay u suurtagashay in gacanta ay soo dhigeen mid ka ah rag kufsi ka gaystay magaalada Garoowe. War ka soo baxay booliska Puntland ayaa lagu sheegay in la hayo rag loo haysto kufsiga gabar 13 ah oo ka mid ahayd...
Month: February 2024
DFS ‘’Intaan ka dib waxaan dalka ka saaraynaa Safiirka Itoobiya ‘’.
Muqdisho (Raxanreeb ) –Xiisada u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ka sii daraysa iyadoo aysan jirin wax wada- hadal ah oo dhaxmaraya Dowladda iyo Itoobiya. Waxaa dhawaan Madaxwaynaha Dowladda Soomaaliya hab ka baxsan maamuska ula dhaqmay saraakiil Itoobiya mar uu ka qayb galayay shirka midowga Afrika ee ka dhacayay magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya....
WAR KU CUSUB : Sarkaal Dowladda oo maydkiisa laga helay gurigiisa.
Muqdisho (Raxanreeb ) Warar kala duwan ayaa maanta oo Talaada ah ka soo baxaya sarkaal ka tirsanaa Hay’adda duulista hawada oo maydkiisa laga helay gurigiisa oo ku ag dhaw Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Ilaa iyo hadda lama ogaan sababta dhabta ah keentay dilkan sarkaalkan oo asal ahaana ka soo jeeda Somaliland oo Dowladda...
Golaha ammaanka Q.M miyay go’aan ka soo saaray xiisadda Somalia & Itoobiya ?
NewYork (Raxanreeb ) Xiisada u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa marka marka ka sii dabeysay cirka isku shareeraysa taas oo keentay in walaac badan laga qabo xaalada labada dal. Waxaa – meesha ka baxay isku day kasta oo lagu doonayay in lagu xaliyo xiisada u dhaxeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya kuwaas oo is ...
SOMALILAND : Xeerka doorashooyinka oo muran ka tagnaa ee la ansixiyay.
Hargaysa (Raxanreeb)-Maanta oo Axad ah Golaha wiikiilada Somalilanda ayaa meel mariyay sharciga muranka badnaa ka tagnaa ee doorashooyinka. Xeerkan ayaa dhaliyay muran badan oo la xiriirta – habka loo maray sida ay ku warameen qaar ka mid ah golaha oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargaysa ee Somaliland. Dib u dhaca faraha badnaa ayaa sidoo kale...
Wasiir Juxa ‘’Xasan Sheekh dowlad dhiska looma dhamo ee gaariga jooji‘’.
Garoowe (Raxanreeb )– Dowladda Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wajahaysa , cadaadis uga imaanaya dhinacyo kala duwan , waxaana ku fursan khilaafaadyo ugu kala imaanaya xubnaha mucaaradka iyo maamulka Puntland. Hanaanka awood qaybsiga oo ku dhisan Dowladda ayaa waxaa docda kale soo baxaya in Xasan Sheekh looga baahan yahay in meel ku sheego xubnaha wasiirada ee...
Maxkamadda Caddaaladda Aduunka oo dhagaysanaysa kiis ka dhan ah haysashada Israa’iil ee dhulka reer Falastiin
Maxkamadda Caalmiga ah ee caddaaladda ayaa bilaabaysa beri oo isniin ah in ay dhagaysato kiis ka dhan ah Israa’iil, kaas oo ku saabsan cawaaqibka sharci ee ka dhalan kara haysashadeeda dhulka reer Falastiin tan iyo 1967.
“Ninka ugu il-dheer baa , Dadka ugu ayaan daran ‘’.
Muqdisho (Raxanreeb ) –Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalka dib ugu soo laabtay si deg deg ah ka dib markii waji gabax uu kala soo kulmay shirkii midowga Afrika ee Adis Ababa. Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa la sheegay in sidoo kale uu qal qal amni uu kala kulmay , shirka maadam ay marti galinaysay shirkaa...
Itoobiya oo war kasoo saartay carqaladeyntii ay ku sameeyeen Xasan Sheekh
Itoobiya ayaa jawaab ka bixisay carqaladeyn iyo ishortaag la sheegay inay ku sameeyeen wafdiga madaxweynaha Soomaaliya, mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ee shalay ka qeyb galay shir madaxeedka Midowga Afrika kaas oo ka dhacayay Addis-Ababa.
Dhaqaatiir Cuba u dhashay oo ku afduubanaa Soomaaliya oo geeriyooday.
Jilib (Raxanreeb ) – War ka soo baxay kooxda Al- Shabaab ayaa lagu sheegay in ugu dabeyn ay geeriyoodeen dhaqaatiir Cuba u dhashay oo in muddo ah ay ku haysteen deegaanada ay xukumaan. Waxaa lagu sheegay warka ka soo baxay kooxda Al- Shabaab in dhaqaatiirtaas ay ku geeriyoodeen duqeymo xagga cirka oo ka dhacay degmada...









