Muqdisho (Raxanreeb )-Waxaa caawo Magaalada Muqdisho, Gaar ahaan Xaafada Seybiyaano ee Degmada Hodan lagu dilay xildhibaan lagu magacaabi jiray Ibraahim Cabdi Cabdiraxmaan oo ahaa mudane ka tirsan baarlamaanka dowlad gobolleedka koofur galbeed. Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa ka Tacsiyadeeyey Geerida Xildhibaanka, asagoo ku eedayay kooxda Alshabaab, sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay...
Day: May 22, 2024
Spain, Norway, iyo Ireland oo si rasmi ah u aqoonsaday dowladnimada Fastiin.
Muqdisho (Raxanreeb )- Dalalka Spain, Norway, iyo Ireland ayaa si rasmi ah u aqoonsaday dowladda Falastiin, ayagoo caalamka intiisa kale ugu baaqay inay tillaabo taas lamida qaadaan, arrintaan ayaa muddooyinkii dambe aheyd mid siweyn loo hadalhayay. Ra’iisul wasaaraha Norway jonas Gahr Støre iyo Wasiirkiisa Arrimaha Dibadda Espen Barth Ede ayaa shir jaraa’id oo ay sida...
Baraktar Akansi: Sidee ayay diyaarada aan duuliyaha lahayn ee Turkiga ku heshay burburka diyaaradii helicopter-ka ee Ibrahim Raisi’?
Kadib markii ay soo baxday warka ku saabsan in diyaarad uu la socday madaxwaynihii Iran Ibrahim Raisi ay dhacday habeenkii Axada, waxaa bilaabmay baadigoobka sidii loo soo heli lahaa burburka diyaaradaasi .
Golaha Ammaanka :Saraakiil AS oo lagu daray liiska cunaqabateynta.
NewYork (Raxanreeb )- Golaha ammaanka ee qaramada Midoobey ayaa cunaqabateyn kusoo rogay xubno ka tirsan ururka Al Shabaab oo ay ku eedeeyeen in ay qeyb ka yihiin dhibaatooyinka kooxda ay ka waddo Soomaaliya. Abdukadir Mohamed Abdukadir oo ah sarkaal sare oo ka tirsan Shabaab, islamarkaana dhashay 1980 kuna sugan degmada Jilib iyo agagaarkeeda ayaa ka...
Qaramada Midoobay oo hakisay cunto qaybintii ay ka waday Rafax
Qaramada Midoobay ayaa hakisay qaybinta cuntada ee magaalada Rafax ee ku taalla dhinaca koonfureed ee Qaza, iyada oo ay ugu wacan tahay, saadka oo gababaabsi ah iyo xaaladdaha amni darrada oo sare u kacay.
Aabe 40 jir ahaa oo qoyskiisa lagu dhex dilay duleedka Muqdisho
Warar dheeraad ah, ayaa laga helayaa dil qorsheysan oo habeen hore kooxo hubeysan ka gaysteen duleedka magaalada Muqdisho, kaas oo loo gaystay Aabe ku dhex jiray carruurtiisa iyo qoyskiisa, xili uu ku sugnaa afaafka hore ee gurigiisa.