Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa Arbacadii ugu baaqay "Dunida Islaamka" inay qaadaan tallaabo mideysan, kadib weeraradii ugu dambeeyay ee Israel ay ka fulisay Gaza.
Day: May 29, 2024
XOG & XUURANSI : Fahad Yasiin & Shariif oo abuuraya madal ka dhan ah Xasan Sheikh.
Istanbul (Raxanreeb )- Dowladda uu hoggaaminayo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa madax la sii galaysa sanadkii seddaxaad , waxaana jira culays siyaasadeed oo uu la kulmayo. Madaxwaynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa culayada ugu badan waxa uu kala kulmayaa , madaxdii hore ee dalka kuwaas oo aad u diidan hanaanka uu hadda wax u wado...
HESHIIS : Dowladda Soomaaliya oo fulinaysa heshiis ay la gashay Kenya.
Muqdisho (Raxanreeb )- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Kenya u fadhiya Soomaaliya, Ambassador Kubai Iringo . Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka diblamaasiyadeed iyo sare u qaadida iskaashiga u dhexeeya labada dal ee dariska ah. Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in labada dal ee...
Al-Shabaab oo weerar culus ku qaaday ciidamada Itoobiya Bakool
Faah faahino dheeraad ah, ayaa kasoo baxaya gobolka Bakool, ayaa sheegaya in uu sii xoogeysanayo dagaalka ka dhex-qarxay ciidamada Itoobiya iyo kooxda Al-Shabaab, oo mar kale dib u billaabay inay weeraraan ciidamadaasi, ku sugan Bakool.
Wiil si arxan darro ah, ugu dilay Wajeer Hooyadiisa oo xabsiga la dhigay
Warar dheeraad ah, ayaa kasoo baxaya dhacdo argagax leh oo Talaaladadii ka dhacday gudaha magaalada Wajeer ee dalka Kenya, kadib markii wiil Soomaali ah uu si arxan darro gudaha magaaladaasi ugu dilay Hooyadiisa.
Muqdisho oo dowladda u taag la’ & dhacdooyin naxdin leh oo ka sii socda.
Muqdisho (Raxanreeb )- Magaalada Muqdisho waxa ka dhacaya gudaha iyo duleedyadeeda dilalka loo gaysanayo dadka rayidka waxaan intooda badan dilalkaas gaysta askarta dowladda. Shacabka magaalada ku nool ayaa sheegaya in dhibato badan ay ku qabaan , askarta dowladda ee sida joogta ah u gaysta dilalka shacabka aan waxba galabsan ee caasimadda. Dil u muuqday mid...
Safaaradda Israa’iil ee Mexico oo qalqal uu ka jiro+ sababta.
Mexico (Raxanreeb )- Wakaalada wararka ee AFP ayaa ku warameysa in isku dhacyo ku dhex maray booliska iyo dad mudaaharaadayay afaafka hore ee safaarada Israa’iil ee caasimada Mexico, dibadbaxa ayaa u muuqdo mid rabshado wata. Dadkaan ayaa bilaabay dhibaatada kadib markii qaar ka mid ah dadka isku soo baxay ay dhagxaan ku tuureen ciidamo hor...
PUNTLAND : DENI oo shir muhiim ah yeeshay Xisibyada siyaasadda.
Muqdisho (Raxanreeb )- Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenkiisa Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa kulan la qaatay Madaxda Xisbiyada Siyaasadda Puntland. Xubnaha madaxda Puntland ay kulanka la qaateen ayaa kala ahaa Mideeye, Horseed, Sincad, Ifiye, Mustaqbal, Shaqaalaha, Runcad iyo Kaah. Kulanka ayaa looga hadlay u diyaar garowga qabashada Doorashooyinka goleyaasha deegaanka...