Markab ganacsi ayaa ku dagaya meel wax yar u jirta xeebaha Yemen kaddib markii waxyeelo ay ka soo gaartay gantaal lagu weeraray sida ay sheegtay hay’adda Ambrey ee ammaanka badaha.
Day: May 28, 2024
21 qof ayaa ku dhintay, 64 kalena waa a ku dhaawacmeen duqeynta Isra’il ee Rafax
Wasaaradda caafimaadka ee Xamaas maamusho ayaa sheegtay in 21 qof lagu dilay 64 kalena ay ku dhaawacmeen koonfurta Gaza.
Militariga Mareykanka oo sheegay in aysan howlgal ka fulin Calmadow
Taliska milatariga Maraykanka ee Africa (AFRICOM) ayaa sheegay inaysan ku lug lahayn hawlgal la sheegay inuu ka dhacay buuralayda Calmadow ee gobolka Sanaag.
Guudlaawe oo hay’daha QM o codsaday in ay xafiisyo ka furtaan deegaannada Hirshabeelle
Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) magaalada Jowhar ee xarunta maamulkaasi kulan kula qaatay masu'uliyiin ka kala socotay Hay’addaha UNICEF, WFP, IOM iyo OCHA.
Soomaaliya oo Liibiya kala hadashay arrinta muhaajiriinta xilli dhowaan dad badan laga soo furtay Magafe
Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay siihayaha Safaaradda Liibiya, Nasr Maxamed Assanosi, isaga oo kala hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin Tahriibiyaasha.
Booliska oo xabsiga dhigay gabar u gaftay madaxweyne Xasan Sheekh
Ciidamada Booliska Soomaaliya, gaar ahaan qaybta Galmudug, ayaa maanta soo xiray gabar lagu magacaabo Fardowso Cabdi Xuseen, oo dhowaan iska soo duubtay muuqaal ay soo dhigtay Baraha Bulshada, iyada oo u gefeysa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Soomaaliya oo loogu deeqay $18 Milyan oo dollar ka dib heshiis ka dhacay Nairobi.
Nairobi (Raxanreeb )- Xaflad lagu saxiixay Heshiiska Bangiga iyo Dowladda Soomaaliya ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Nairobi, halkaas oo uu ka soconayo shirka Sanad laha ah ee Bangiga Horumarinta Afrika. Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige iyo Madaxweyne Ku Xigeenka Bangiga Horumarinta Afrika Marwo Dr. Beth Dunford ayaa wadajir u saxiixay heshiiskaan...
SPAIN ‘’ Falastiin waxaan u aqoonsanahay dowlad madax banaan ‘’.
Madrid (Raxanreeb )- Golaha wasiirada dowladda Spain ayaa cod aqlabiyadda ah ku ansixiyay aqoonsiga rasmiga ah ee dowladd falastiin wasiirada, sida uu ku dhawaaqay afhayeen u hadlay dowladdu. Ra’iisul Wasaaraha Spain Pedro Sanchez ayaa horay u sheegay in laga billaabo 28-ka bisha ay dowladdiisu si buuxda u aqoonsan doonto falastiin, go’aankaas ayaana maanta oo talaado...
Muxuu daarna kulanka RW Xamsa Cabdi Barre & James Swan ?
Muqdisho (Raxanreeb )- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley Ergeyga kumeel gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan oo ay kawada hadleen xoojinta wadashaqeynta hay’adaha Qaramada Midoobay iyodowladda Soomaaliya. Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey hay’adda Qaramada Midoobay taageerada ay la garab...
‘’ Soomaaliya amnigeeda way ku filan tahay ka dib ATMIS ‘’ – Jawaabta DFS ee Ruto.
Muqdisho (Raxanreeb )- Wasiiru dowlaha wasaaradda arrimahada dibadda Soomaliya Cali Balcad ayaa ka jawaabay hadalkii madaxwaynaha Kenya Ruto, isagoo sheegay in marxaladda Soomaaliya aysan lamid aheyn midii ka dhacday Afgaanistaan. Cali Balcad ayaa sheegay in Soomaaliya aysan khatar geli doonin hadii ciidanka ATMIS ay waqtigooda ku baxaan, isagoo meesha ka saaray cabsida uu muujiyey madaxweynaha...