(Raxanreeb Online) — The Waqooyi Bari administration has called on the Federal Government of Somalia to provide salaries for its security forces, following the reported failure of a federal plan to deploy federal troops within Puntland. MP Kilwa said the Waqooyi Bari security forces require financial support from the Federal Government and urged Mogadishu to...
Day: August 12, 2026
Wasiir Caydiid Dirir: Puntland Waa Dowlad Madaxbannaan
Puntland (Raxanreeb Online): Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Puntland, Caydiid Dirir, ayaa sheegay in Puntland ay ahaan doonto dowlad si madax-bannaan ula macaamisha dunida, ilaa laga helo dowlad Soomaaliyeed oo heshiis lagu yahay. Wasiirka ayaa sheegay in Puntland ay diyaar u tahay inay ku jirto dowlad Soomaaliyeed oo heshiis lagu yahay, balse ay shardi tahay in...
Somali Journalist Released After 39 Days in NISA Detention
MOGADISHU – Somali journalist and Xogbile media founder Mascuud Warsame has been released after spending 39 days in detention by Somalia’s National Intelligence and Security Agency (NISA), according to the Somali Journalists Syndicate (SJS). SJS said Warsame was detained in Mogadishu on 30 June 2026 and released on 8 August without being charged or brought...
North East Calls on FGS to Pay Its Forces
North East (Raxanreeb Online): The North East Administration has called on the Federal Government of Somalia (FGS) to pay the salaries of its security forces, following the reported failure of a plan by the Federal Government to deploy federal forces into Puntland. MP Kilwa said the North East forces need the Federal Government to provide...
Waqooyi Bari oo DFS Ka Dalbaday Mushaharka Ciidamada
Waqooyi Bari (Raxanreeb Online): Maamulka Waqooyi Bari ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ugu baaqay in mushahar loo bixiyo ciidamada maamulka, kadib markii uu fashilmay qorshe ay dowladda Federaalka damacsanayd inay ciidamo federaal ah ku dhex-geyso Puntland. Xildhibaan Kilwa ayaa sheegay in ciidamada Waqooyi Bari ay u baahan yihiin in dowladda Federaalka ay bixiso mushaharkooda, isagoo arrintaas...
Ilyaas Lugatoor oo Garoowe Kaga Qaybgalay Maalinta Dhallinyarada SAWIRO
Garoowe (Raxanreeb Online): Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa maanta ka qayb galay munaasabadda Maalinta Caalamiga ah ee Dhallinyarada Adduunka, oo lagu qabtay magaalada Garoowe. Munaasabadda waxaa soo qabanqaabiyay Dalladda Dhallinyarada Puntland (PYAN), iyadoo kaashanaysa Wasaaradda Dhallinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Puntland. Hal-ku-dhigga sanadkan ayaa ahaa “Doorka Dhallinyarada ee Horumarinta Nabadda, Wax ka Qabashada Isbeddelka...
Garsoore Cabdifataax oo Go’aan Ka Qaatay Kiiska Sacdiya Bajaaj
Muqdisho (Raxanreeb Online): Garsoore Cabdifataax Saciid Maxamed, oo kamid ah garsoorayaasha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir, ayaa go’aan ka gaaray kiiska Sacdiya Bajaaj, oo hore Maxkamadda Gobolka Banaadir ugu xukuntay saddex sano oo xabsi ah. Garsoore Cabdifataax ayaa dib u eegis ku sameeyay kiiska, waxaana sida lagu sheegay warbixinta uu meesha ka saaray eedihii Xeer Ilaalinta,...
Hargeysa oo Laga Dareemayo Yaraanta Weelasha Cuntada
Hargeysa (Raxanreeb Online): Magaalada Hargeysa ayaa bishii u dambaysay laga dareemayay yaraanta weelasha hal mar la isticmaalo ee cuntada safaariga lagu qaato, kuwaas oo loo yaqaan “One Time Use”. Qaar ka mid ah ganacsatada ayaa yaraanta weelashan ku sababeeyay xidhnaanshaha marinnada muhiimka ah ee ay badeecaduhu uga soo geli jireen Somaliland. Qaar kamid ah hoteellada...
Ibraahim Kalaay oo Loo Magacaabay Duqa Baydhaba
Koonfur Galbeed (Raxanreeb Online): Maamulka uu hoggaamiyo Madaxweyne Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa xalay sameeyay isbeddel siyaasadeed, kaddib markii Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Koonfur Galbeed uu Ibraahim Kalaay u magacaabay Duqa Magaalada Baydhaba. Ibraahim Kalaay ayaa dhowaan ka soo goostay dhinaca maamulka Laftagareen, waxaana magacaabistiisa Duqa Baydhaba ay dhalisay hadal-hayn siyaasadeed oo la xiriirta...
Ilhaan Cumar oo Minnesota Guul Ka Gaartay
USA (Raxanreeb Online): Waxaa si xamaasad leh uga socda dalka Mareykanka doorashooyinka isreeb-reebka xisbiyada, kuwaas oo lagu kala saarayo musharraxiinta xisbiyada u matali doona doorashada guud ee la qorsheynayo inay dalkaas ka dhacdo dabayaaqada sannadkan. Gobolka Minnesota ayaa kamid ah meelaha sida weyn loogu loollamayo, iyadoo dhawaan lasoo gabagabeeyay doorashooyin loogu tartamayay kuraas kala duwan....








