Maxaa ka socda maanta magaalada Beledwayne ?

Maxaa ka socda maanta magaalada Beledwayne ?

Beledwayne (Raxanreeb )- Xaaladda deganaan ah ayaa ka jirta maanta oo Jimca ah magaalada Beledwayne ee gobolka Hiiraan halkaas  shalay ilaa xalay ay ka jirtay xiisad dagaal

Magaalada waxaa si buuxda ula wareegay ciidan la sheegay in ay taageersan  yihiin maamul la magac  baxay Hiiraan State kuwaas oo  magaalada kula dagaalamay kuwa Hirshabeelle.

Magaalada Beledwayne ee gobolka Hiiraan tan iyo xalay waxaa ka jiray dhaq dhaqaaq ciidan oo ay samaynayaan  ciidanka taabacsan Hiiraan State.

Ma  jiraan wax waan waan ah oo ka socota magaalada Beledwayne taas oo ka dhigan in markasta – halkaas uu dagaal ka dhici karo

Ciidanka laga saaray magaalada  Beledwayne hadda waxa ay ku sugan yihiin duleedyada magaalada taas oo kordhisay walaaca laga qabo in markasta halkaas dagaal uu ka dhici karo.

Waxaa  uu sababay dhimasho  iyo dhaawac soo kala gaaray dhinacyada dagaalamay iyo dad shacab ah kuwaas oo tira ahaan la sheegay in ay gaaraan ku dhawaad 10 qof.

Lama oga sida xaaladu ay isku  bedeli doono maadama , wali wax xal ah aan laga gaarin xiisada  ka taagan magaalada Beledwayne ee gobolka Hiirraan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.