Garoowe (Raxanreeb) – Madaxwaynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa magaalada Garoowe ee xarunta maamulkaas kulan kula qaatay xubnaha Golaha wasiirada cusub.
Kulankan madaxwayne Saciid Deni iyo Golaha wasiirada ee cusub ayaa noqonaya kulankii ugu horeeyay ee dhaxmara labada dhinac tan iyo la soo magacaabay xubnaha cusub.
Waxaa la hadlay sida wararka ay sheegayaan dardargalinta howlaha xukuumadda cusub iyo in lala yimaado karti iyo hufaan sahli karta in adeegyadu ay gaaraan bulshada Puntland ku nool.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa markale u hambalyeeyay xubnaha Golaha Wasiirada oo ay usoo dhammaatay xilwareejintii ay xafiisyada kula wareegeen.
Kulanka waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid, Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiillada Mudane Maxamed Baari Shire, xubnaha Golaha Wasiirada, La-taliyeyaal, Saraakiil Madaxtooyo iyo marti sharaf kale.
Leave a Reply