Weerar AS ay ku qaadeen  SYL oo la afjaray &  khasaaraha jira.

Weerar AS ay ku qaadeen  SYL oo la afjaray &  khasaaraha jira.

Muqdisho (Raxanreeb )- Isbitaalada magaalada Muqdisho waxaa la dhigay tiro badan oo dhaawacyo ah kuwaas oo ku waxyeloobay weerar kooxda Al- Shabaab ay ku qaadeen Hotelka SYL oo kaabiga ku haya Villa Soomaaliya.

Waxaa dhaawacyadaas isbitaalka ku booqday Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Dr. Ali Haji Adam  waxaana inta badan dhaawacyada la dhigay  Isbitaalka Ordgan.

Wasiirka ayaa Maamulka iyo Dhaqaatiirta Isbitaalka Recep Tayyip Erdoğan (Ex Digfeer ka dhageystey warbixin ku saabsan xaaladda dhaawacyada lasoo gaarsiiyey.

Wasiirka ayaa dhaawacyada u dul istaagey mid mid isagoona xog wareysanayey inta xaaladdooda Caafimaad ay soo hagaageyso ee kari karey in ay hadlaan si uu u hubiyo in ay helleen Daryeel Caafimaad oo ku filan.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan ayaa  dhaawacyada Alle ugu baryey in Caafimaad deg deg ah siiyo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.