Beledwayne (Raxanreeb )- Xaaladda deganaan ah ayaa ka jirta maanta oo Jimca ah magaalada Beledwayne ee gobolka Hiiraan halkaas shalay ilaa xalay ay ka jirtay xiisad dagaal
Magaalada waxaa si buuxda ula wareegay ciidan la sheegay in ay taageersan yihiin maamul la magac baxay Hiiraan State kuwaas oo magaalada kula dagaalamay kuwa Hirshabeelle.
Magaalada Beledwayne ee gobolka Hiiraan tan iyo xalay waxaa ka jiray dhaq dhaqaaq ciidan oo ay samaynayaan ciidanka taabacsan Hiiraan State.
Ma jiraan wax waan waan ah oo ka socota magaalada Beledwayne taas oo ka dhigan in markasta – halkaas uu dagaal ka dhici karo
Ciidanka laga saaray magaalada Beledwayne hadda waxa ay ku sugan yihiin duleedyada magaalada taas oo kordhisay walaaca laga qabo in markasta halkaas dagaal uu ka dhici karo.
Waxaa uu sababay dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray dhinacyada dagaalamay iyo dad shacab ah kuwaas oo tira ahaan la sheegay in ay gaaraan ku dhawaad 10 qof.
Lama oga sida xaaladu ay isku bedeli doono maadama , wali wax xal ah aan laga gaarin xiisada ka taagan magaalada Beledwayne ee gobolka Hiirraan.
Leave a Reply