Muqdisho (Raxanreeb online) – Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay Miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2025-ka, iyadoo kulamadii ugu dambeeyay ay ka socdeen doodo ballaaran.
Miisaaniyadda oo dhan $1,359,714,328, ayaa cod loo qaaday, waxaana taageeray 172 mudane, labo kaliya ayaa diiday, hal mudanena wuu ka aamusay, sida uu ku dhawaaqay guddoomiyaha baarlamaanka kalfadhiga kadib.
Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka ayaa Xildhibaanada labada Aqal u gudbiyay faah faahinta Miisaaniyada, iyadoo Wasiirka Maaliyadda uu faah faahin ka bixiyay qaabka dhaqaalahaasi loogu qeybin doono mashaariic iyo hindiseyaal kala duwan.
Doodihii hore ayaa qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka 11-aad waxa ay soo jeediyeen in mushaar kordhin loo sameeyo ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, iyagoo xusay in miisaaniyada ay aad u badan tahay. Codsigan ayaa ka tarjumaya baahida sii kordheysa ee lagu taageerayo ciidamada amniga dalka, marka loo eego kor u kaca ilaha dhaqaale ee loo qoondeeyay miisaaniyadda qaranka.
Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan qoondaynta miisaaniyadeed ee gaarka ah iyo mudnaanta kharashka ayaa la filayaa maalmaha soo socda.
Leave a Reply