Kismaayo (Raxanreeb online) – Wasaaradda Amniga gudaha dowlad goboleedka Jubbaland ayaa soo saartay awaamiir la xiriira xoojinta arimaha amniga iyo u hogaansanaanta nidaamka u degsan Hay’adaha amniga, xilli uu socdo diyaar garow la xariira doorashooyinka Jubbaland.
Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Aamniga Jubbaland, ayaa lagu faray ciidamada amniga Jubbaland in ay galaan heegan buuxa oo la xariira amniga, waxa ay sidoo kale Wasaaradda amartay ciidamada in aysan ku milmin arrimaha siyaasadda la xariira.
Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa sidoo kale sheegtay in musharaxiinta iyo sidoo kale daneeyaasha arrimaha doorashada in amnigooda ay sugayaan ciidamada amniga Jubbaland, gaar ahaan kuwa booliiska , waxaana lagu wargaliyay in ay la xariitaan taliska booliiska si ilaalo loo siiyo.
Leave a Reply