New York ( Raxanreeb Online) Hay’adda Qaramada Midoobay ee Cunnada Adduunka ayaa ku dhawaaqday inay jarayso kaalmooyinka cunnada ee boqollaal kun oo qof oo ku sugan Soomaaliya, halkaas oo malaayiin qof ay la tacaalayaan saameyn ba’an oo ka dhalatay isbedelka cimilada iyo heerar daran oo gaajo ah, sida ay ku warrantay wakaaalada warrarka ee AP.
WFP ayaa sheegay in tirada dadka helaya gargaar degdeg ah oo cunto ah ay hoos uga dhici doonto 1.1 milyan bisha Agoosto ilaa 350,000 bisha Nofeembar, sababo la xiriira “xaalado aad u darran oo dhanka maalgelinta ah.”
“Waxaan arkeynaa koror khatar ah oo ku yimid heerarka degdegga ah ee gaajada, awooddeena aan uga jawaabno arrintan ayaana si maalinle ah u yaraanaysa,” ayuu yiri Ross Smith, agaasimaha hay’adda WFP u qaabilsan diyaarinta iyo ka jawaabista xaaladaha degdegga ah.
Wuxuu intaa raaciyay in haddii aysan helin maalgelin deg deg ah ay qosysaska horreyba u tag darnaa ay hadda yihiin ugu ugu darran, xilli ay yihiin kuwa ugu baahida badan.
Sida laga soo xigtay warbixintii ugu dambeysay ee Qaramada Midoobay, 4.6 milyan oo qof oo ku sugan Soomaaliya ayaa wajahaya heerar adag oo gaajo ah, waxaana la saadaalinayaa in 1.8 milyan oo carruur ah ay la kulmi doonaan nafaqo-xumo ba’an sannadkan. Qaar carruurtaas ka mid ah, oo dhan 421,000 ayaa wajahayaan nafaqo-darro halis ah, halka hay’adda cunnada ee Qaramada Midoobay ay kaliya ku guuleysatay inay caawiso qiyaastii 180,000 oo ka mid ah.
Barnaamijka Cunnada Adduunka (WFP) ayaa sheegay inuu u baahan yahay $98 milyan si uu “u sii wado ugu yaraan hawlgallada badbaadinta nolosha ee loogu talagalay 800,000 oo qof inta lagu jiro xilli adag ilaa bisha Maarso 2026.”
Soomaaliya oo ka mida dalalka dadkooda nugul si weyn ugu tiirsan yihiin gargaarka hay’addahu bixiyaan ayaa sanadihii dembe la kulmayey jaris ama dhimis gargaarka ah ka dib markii dowladdo badan oo caawin jiray hay’addahaas ay joojiyeen.

Leave a Reply