Boosaaso ( Raxanreeb Online) Mamulka Puntland, ayaa soo saaray amaro ku aadan adkeeynta hubinta dadka safrayo ee da’dooda ka yar tahay 40 sanno, si looga hortago qulqulka tahriibka faraha badan.
Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Puntland, Ilyaas Cismaan Lugatoor, oo la hadlayay ardayda qaljibineysay, ayaa sheegay in khataraha kororka tahriibka uu kordhay, isla markaana Puntland ay qaadaneyso tallaabo looga hortagayo arrintaasi.
Sidoo kale waxa uu carabka ku dhuftay in Puntland ay hubin adag marsiin doonto dadka safraya ee da’dooda ka yar tahay 40 jir, maadama dad tahriibaya ay da’daas ka yar yihiin, sida lagu ogaaday daraasado la sameeyey.
“Siyaasadda Puntland ee la dagaallanka tahriibka, waxaa sal dhig u ah qofka dalbanaya Baasaboorka da’da ka yar 40 sanno, waa inuu sharxaa, sababta uu u dalbanayo, haddii qofka uu u dhoofayo dibada waa in aan ogaanaa ujeedka safarkiisa” ayuu yiri madaxweyne ku-xigeenka Puntland.
Sannadihii dambe Soomaaliya waxaa ka tahriibay dhallinyaro badan oo qaarkood ay galeen dalalka Yurub, halka kuwa qaar ay dhinteen inta ay ku jireen khataha tahriibka ee u dhaxeeya Badda iyo dalalka Qaarada Yurub.
Sidoo kale dowladda Federaalka, ayaa amar ku soo rogtay shuruuc cusub oo ku aadan dhallinyarada ka dhoofaya garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, iyada oo maalmihii dambe dowladda ay qabatay dhallinyaro badan oo dalal kala duwan u safrayay.

Leave a Reply