Washington(Raxanreeb Online) Madaxweyne Donald Trump ayaa kordhiyay xayiraadda dhanka socdaalka ee Mareykanka, isagoo ka mamnuucaya muwaadiniinta shan dal oo dheeri ah.
Aqalka Cad ayaa sheegay in xannibaadahan looga dan leeyahay “in lagu ilaaliyo ammaanka Mareykanka.
Xayiraadaha Cusub ayaa lagu soo rogay dadka ka soo jeeda Burkina Faso, Mali, Niger, Suudaanta Koofureed iyo Suuriya iyo sidoo kale dadka haysta baasaboorka maamulka Falastiin.
Maamulka ayaa sidoo kale Laos iyo Sierra Leone, oo horey loogu soo rogay xayiraado qeyb ah, ku daray liiska mamnuucida buuxda, waxaana ay xayiraad qeyb ah ku soo rogeen 15 dal oo kale, oo ay ku jiraan Nigeria, Tanzania iyo Zimbabwe.
Trump, oo adkeeyay xakameynta socdaalka tan iyo markii uu ku soo laabtay Aqalka Cad bishii Janaayo.
Arintan ayaa dhaqan galeyso 1-da Janaayo ee sanadka Cusub 2026.

Leave a Reply