Maxkamad ku taala Kenya oo soo saartay amar ku socda Haweenka Uurka leh

Nairobi ( Raxanreeb Online) Maxkamadda Racfaanka ee dalka Kenya ayaa guud ahaanba meesha ka saartay in dumarku iska soo ridi karaan ilmaha uurkooda ku jira ka dib markii la hor geeyey kiis la xidhiidha in uurka layska soo ridi karo.

Maxkmaddu waxay tilmaantay in aanu Dastuurka Kenya meelna kaga jirin in layska soo ridi karo ilmaha taa darteedna aaan cidnaba laga ogolaan karin.

Kooxda arrinkan dabada ka riixaysa ayaa sheegay in ay abiil ka qaateen xukunkan isla markaana ay tegi doonaan maxkamadda sare.

Sikastaba, arrintan ayaa salka ku heysa kaddib markii ay kordheen haweenka oo soo riday Uurka, taasi oo qaarkood ay la kulmeen dhibaato xagga caafimaadkooda la xiriirta.

Leave a Reply

Your email address will not be published.