Muqdisho (Raxanreeb Online) Dowladda Shiinaha ayaa ugu goodiyey in Somaliland cawaaqib-xumo la kulmi doonto, kaddib markii Madaxweyne Cirro uu ayidey Jasiiradda Taiwan, in ay tahay dalka madax bannaan.
Safaaradda Shiinaha ee magaalada Muqdisho, waxa ay hoosta ka xarriiqday in Somaliland ay u aragto Gobol ka tirsan Soomaaliya, sidaasi oo kalena ay tahay Jasiiradda Taiwan.
“Gobolka Somaliland wuxuu si cad u jebiyey mabda’a “Hal Shiine” (one-China principle), waana xadgudub ka dhan madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Shiinaha, si adag ayaan uga soo horjeednaa tallaabadaas…Waxaan ku boorrinaynaa siyaasiyiinta tirada yar in ay arkaan xaqiiqda jirta, ku xadgudubka xadka arrinta Taiwan waxay horseedi doontaa cawaaqib xumo daran” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay safaaradda Shiinaha ee Muqdisho.
Sidoo kale safiirka Shiinaha, ayaa sheegay in Somaliland ay tahay qayb aan laga goyn karin oo ka mid ah dhulka Soomaaliya. waxa uuna Shiinuhu sheegay in si adag u taageerayo Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxa uuna xusay inuu kasoo horjeedo tallaabo kasta oo lagu kala qaybinayo dhulka Soomaaliyeed.
Sikastaba, ma ahan markii ugu horeeysay oo Shiinaha uu si cad u sheego inuu kasoo horjeedo in la kala qeybiyo dhulkooda Soomaaliyeed iyo aqoonsiga Somaliland ay ka heshay Xukuumadda Talaabiib.

Leave a Reply