Booliska Somaliland oo gacanta ku dhigay nin ajnabi ah oo feer nin ku dilay

Hargeysa (Raxanreeb) — Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil xalay ka dhacay gudaha magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland, kaas oo uu geystay nin ajnabi ah oo kasoo jeeda qoomiyada Oromada ee ku nool deegaanada maamulkaasi.

Dilka ayaa ka dhacay Hoteelka Guuleed oo ku yaalla bartamaha magaalada Hargeysa, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay taliska ciidamada Booliska Somaliland.

Booliska ayaa magaca eedeysanaha ku sheegay Ifsa Axmed Shariif, waxaana loo heystaa dilka Marxuum Aamiin Siciid Sidiiq oo 22 jir ahaa.

Qoraal kasoo baxay Booliska ayaa lagu sheegay in eedeysana uu marxuumka ku dilay Feer iyo Jilib, kadib dagaal gacan ka hadlay oo ku dhex-maray gudaha Hoteelka.

“Eedeysanahan ayaa ku eedeysan in uu ku dilay Marxuumka Feedh jilib uu ku dhuftay, dilkan ayaa ka dhacay Hoteel Guuleed ee magaalada Hargeysa hortiisa,” ayaa lagu yiri.

Sidoo kale Booliska Somaliland ayaa intaasi ku daray in eedeysanaha oo goobta ka baxsaday, kadib dilka ay gacanta kusoo dhigeen laamaha ammaanka, kuwaas oo haatan baaritaano dheeraad ah ku haya dhacdadaan, si tallaabo looga qaado eedeysanaha.

“Ciidanka Booliska ayaa markii lagu soo war galiyey dhacdada silkaasi ka hawlgalay waxayna saacado gudahood ku soo qabteen eedaysanaha oo goobtii uu dilka ka gaystay ka baxsaday,” ayaa markale lagu yiri warsaxaafadeedka ka soo baxay taliska Booliska.

Ugu dmabeyn ciidamada Booliska ayaa u mahadceliyey shacabka Somaliland, ayaga oo ku amaanay sida ay ugala shaqeeyaan amniga iyo xogaha ay mar-weliba la soo wadaagaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.