Ajaaniib lagu qabtau degmada Hobyo & halka ay ku sii jeedeen.

Dhuusmareeb ( Raxanreeb ) Hay’adaha amniga Galmudug ayaa gacanta ku dhigay 20 nin oo ajnabi ah, kuwaas oo ka yimid dhanka degmada Xaradheere ee gobolka Mudug.

Wararka ayaa sheegaya in xubnahan lagu qabtay meel u dhaw xeebta degmada Hobyo ee gobolka Mudug.

Waxa lagu soo waramayaa in ay  doonayeen in  dooni ay  ka raacaan xeebta Hobyo ee gobolka Mudug  lamana oga,  halka ay ku sii jeedeen.

Maamulka Galmudug wax faahfaahin ah ma uusan ka bixin dadkan ajaaniibta ah ee gacanta ay ku dhigeen laamaha amniga maamulkaas.

La soco faah faahin dheeraad ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.