DABAGAL : Dhimasho & dhaawac ka dhashay qarax ka dhacay Beledwayne+Xaaladda

Beledwayne (Raxanreeb ) Wararka  caawa naga soo gaaraya magaalada Beledwayne ee gobolka Hiiraan ayaa sheegay  in halkaas ay ka qarax dad lagu dilay kuwo kalena lagu dhaawacay.

Hal Ruux ayaa geriyootay illa 3 ruux oo kalana waxaa soo gaaray dhawaacyo halkaas oo lagu weeraray  koox dhallinyara ah oo cawaynaysay.

Sida ay ku warameen goobjoogayaal halkaas ku sugan  dhallinyaradan ayaa qaarkood dhaawacyooda ay yihiin kuwo culus , una baahan in loo soo qaado magaalada Muqdisho.

Goobta qaraxyada ay ka dhaceen ayaa ah xafadda Nurxawaad ee magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Hay’adaha amaanka magaalada Beledwayne ee maamulka Hirshabeelle wali wax war ah ma aysan ka soo saarin weerarka qaraxyada ah ee caawa ka dhacay magaalada.

Wararkii ugu danbeeyay – magaalada RBC uu ka helayo ayaa sheegaya in xaafada ay wax ka dhaceen ee Nuur-xawaad ay ka socdaan howlgal ciidanka ay ku doonayaan in ay ku sugaan amniga.

Leave a Reply

Your email address will not be published.