DFS ”Qabiil Soomaaliyeed oo dowladda Soomaaliya hub siisay ma jiro”

Muqdisho (Raxanreeb ) Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay hubka faraha badan ee gacanta ugu jira kooxaha maleeshiyaadka ah ee dagaalka kula jira kooxda Al- Shabaab.

Dowladda waxa ay meesha ka saartay warka ku saabsan in hub ay u dhiibtay beelaha Soomaaliyeed oo la hadal hayo cawaaqib xumada ka imaan doonto mustaqbalka sida ay sheegayaan aqoonyanada.

La-taliyaha amniga qaranka madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Macallin ayaa meesha saaray daacayadaha uu sheegay in laga faafiyay kooxaha kacdoonka ka wada gobolada Hiiraan iyo galgaduud .

“Qabiil Soomaaliyeed oo dowladda Soomaaliya hub siisay ma jiro, keliya dowladdu waxa ay siisaa rasaas macowiisleyda, dhaawacoodana waa la daweeyaa,” ayuu yiri la-taliyaha madaxweyne Xasan Sheikh ee amniga qaranka.

Waxa uu intaas warkiisa ku daray in wararkaas ay faafiyeen kooxo uu ku sheegay in ay faafinayaan qorshe lagu kala dhantaalayo dagaalka ka dhanka ah Al- Shabaab ee ka socda gobolada dalka.

Si kasta dagaal ka dhan ah Al- Shabaab ayaa ka soconaya meelo ka mid ah gobolada Hiiraan iyo Galgaduud ee bartamaha dalka

Leave a Reply

Your email address will not be published.