Ilhan Cumar oo lagu soo dhoweeyay Muqdisho

Muqdisho (Raxanreeb) — Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa galinka Dambe ee Maanta si diiraan loogu soo dhaweeyay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, iyada oo soo dhaweyn loogu sameeyay garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Wafdiga Xildhibaanad Ilhaan Cumar ayaa garoonka waxaa ku soo dhaweeyay Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, Wasiirka Haweenka Xuquuqul Iinsaanka XFS Khadiija Maxamed Diiriye, Taliye ku xigeenka labaad ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo ururada Haweenka.

Xildhibaanad Ilhaan Cumar oo 22 December 2022-ka gaartay Garoowe ayaa waxa la kulantay qaar ka mid ah mas’uuliyiinta Dowlad Gobaleedka Puntland oo uu ka mid yahay Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni, Odayaasha dhaqanka iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan.

Inta ay ku sugantahay Muqdisho Senator Ilhaan Cumar ayaa lagu wadaa in ay kulan la yeelato Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Wasiirka koowaad ee Xukuumadda iyo Guddoonka Sharci danjinta iyo qaar ka mid ah Bulshada qeybaheeda kala duwan.

Ilhaan Cumar iyo Rashida Tlaib ayaa sandkii 2018 noqday labadii gabar ee ugu horreeyey ee Muslim ah ee ku biira Aqalka Wakiilada dalkaas. Ilhaan ayaa sidoo kale noqotay qofkii ugu horreeyey ee Soomaali ah ama ku dhashay Afrika oo Aqalka ka mid noqda, iyada oo dodo adag dhaxmaray Madaxweynihii hore ee Dalka Mareykanka Donald Trump.

Leave a Reply

Your email address will not be published.