DABAGAL : Askar Dowlada ka wada- tiran oo isku dilay Degmada Hodan ee Muqdisho.

Muqdisho ( Raxanreeb ) laba askari ayaa ku geeriyooday seddax kalana waa ay ku dhaawacmeen iska hor – imaad magaalada Muqdisho caawa ku dhaxmaray ciidan ka wada tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Waxa la xaqiijiyay in dagaalkan uu dhaxmaray ciidan boolis ah iyo kuwa Millatari ah waxaana dagaalka uu ka dhacay xaafadaha Jaamacadaha degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Mid ka mid ah marxuumiinta ku geeriyooday dagaalka ayaa lagu magacaabi jiray Cali Baashi Axmed, waxaana uu ka tirsana ciidanka xoogga dalka , inkastoo aan helin magaca kale ee askariga dhintay.

Si rasmi ah looma oga waxa dagaalka uu ka dhashay balse dad goobjoogayaal ayaa sheegay in ciidamada Booliska oo roondo sameynayeen ay isku dhaceen kuwa Millatari ah oo ku sugnaa degmada Hodan.

Saraakiisha amniga ee Dowladda wax war ah ma aysan ka soo bixin oo la xiriira dagaalka caawa magaalada Muqdisho ku dhaxmaray askar ka wada- tirsan Dowladda Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.