‘’Madaxwayne ha saxiixin sharciga NISA waxa ka imaan kara xadgudub ‘’

NewsYork (Raxanreeb ) Labada Aqal ee Barlamaanka Soomaaliya ayaa meel mariyay sharciga Hay’adda NISA , kaas oo muran wali uu ka taagan yahay isla markaana sugaya in Madaxwaynaha uu saxiixo.

Hay’adaha u dooda xuquuqda Aadanaha ayaa sheegay in sharcigaas wax badan ay ka qaldan yihiin isla markaana keeni kara xad gudubyo xuquuqda Aadanaha.

Hey’adda Xuquuqda Aadaha ee Human Rights Watch ayaa ku boorrisay Madaxweynaha Soomaaliya in uusan saxiixin sharciga hey’adda Nabadsugidda Qaranka ee ay dhawaan ansixiyeen labada aqal .

Sharcigan ayaa sida ay Human Rights sheegtay siinaya hey’adda NISA awoodo xad-dhaaf ah oo ay wax ku xiri karo, cidda ay doonto ku qaban karto, cidda ay doontana daba gal ku sameyn karta, iyadoo ay yartahay awood dusha kala socon karta.

Hindise Sharciyeedka Hey’adda NISA oo ka kooban 52 qodob ayaa Xildhibaannada Golaha Shacabka BFS ansixiyeen 6-da February 2023-da.

11 February 2023-ka Wasiir dowlaha Wasaaradda Amniga XFS oo hortagay Golaha Aqalka Sare ayaa Senatarrada la wadaagay Hidise sharciyeedka NISA.

Hindise Sharciyeedka Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka NISA ayaa sharciyeynaya jiritaanka hay’adda oo aan horay u laheyn sifo sharci ah oo dhameystiran.

Leave a Reply

Your email address will not be published.