Muqdisho (Raxanreeb ) Magaalada Muqdisho waxaa goor dhaw laga maqlay si gaar ah afurka ka dib jugta hubka culus oo dadka caasimada ku nool mar qura ay wada maqleen.
Warar horudhaca ah ayaa sheegaya in jugta ay tahay qaraxa wayn halka wararkale ay sheegayaan inuu yahay qaraxa lala eegtay ciidanka Dowladda Soomaaliya.
Magaalada Muqdisho oo ayaa habeeno is xig xiga waxaa laga maqlay dhawaqa rasaasta ciidanka Dowladda dhaxdooda iyo qaraxyo la sheegay in ay gaysanayaan kooxda Al- Shabaab.
Dhanka kale ciidanka Dowladda Soomaaliya ayaa wada howlgal ay ku doonayaan inay ku sugaan amniga sidaas oo ay tahay waxaa magaalada ka dhaca falal lidi ku ah amniga.
Leave a Reply