Soomaaliya oo deyn badan looga cafiyay Paris

Soomaaliya oo deyn badan looga cafiyay Paris

Paris (Raxanreeb) — Magaalada Paris ee dalka France, ayaa lagu saxiixay Heshiis Dowladda Soomaaliya looga cafiyay lacag dhan $1.2 Bilyan oo ay la haayeen dalalka ku bahoobay Nadiga Paris Club.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Biixi Iimaan Cige, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ku sugan gudaha Paris, ee dalka France, wada-xaajood ah la qaatay matalayaasha Dalalka xubnaha ka ah, Naadiga Paris.

Shirkan ayaa tixraacaya Soomaaliya, deymihii looga cafiyay sannadkii 2020-kii, kaas oo lagu dhawaaqay in Soomaaliya, laga cafiyay deymihii lagu lahaa kaas oo maanta si rasmi heshiis loo saxiixo, kaas oo Soomaaliya looga cafiyay dhammaan lacagtaasi.

Go’aanka Naadiga Paris, marka uu soo baxay ayaa Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Soomaaliya ayaa faah faahin kooban ka bixiyay natiijada ka dhalatay shirka Paris, Biixi ayaa sheegay in ay ku guuleysteen in ay ku qanciyeen dalalka Paris Club in Soomaaliya ay u sameeyaan dayn cafis dhameystiran taas oo ugu danbeeyn maanta la saxiixay.

Naadiga Paris, xubnaha maanta shirka joogay ayaa waxa ay ka koobnaayeen toban ka mid ah kuwa Soomaaliya, ku lahaa deymaha culus, kuwaas oo maanta saxiixay kuna dhawaaqay in Soomaaliya laga cafiyay deymihii ku harsanaa dhammaantood taas oo ahayd lacag aad u badan.

Soomaalida, ayaa si ballaaran u soo dhaweysay in dalka muddo dheer ka dib laga cafiyo dayntii lagu lahaa taas oo ay dalal iyo haya’ado ku lahaayeen, balse waxaa jira walaac dadka qaar iyo dhaqaalayahannada Soomaalidu ka muujinayaan caqabado ku gedaaman haddii dowladdu soo qaadato dayn hor leh.

Waxaa jira shuruudo qayb ahaan ku xirnaa dayn cafinta oo falanqeeyayaasha dhaqaaluhu sheegeen in laga dul qaaday Soomaali oo ay ugu weynayd midaynta canshuuraha dalka oo dhan, taasoo ilaa hadda aan gudaha dalka ka hirgalin.